Adh-Dhuha

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka. وَالضُّحَى
2 Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado). وَاللَّيْلِ إِذَا سَجَى
3 Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin. مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَى
4 Aakharana kaaga khayr badan Aduunka. وَلَلْآخِرَةُ خَيْرٌ لَّكَ مِنَ الْأُولَى
5 Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon. وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَى
6 Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin. أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَآوَى
7 Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin. وَوَجَدَكَ ضَالًّا فَهَدَى
8 Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin). وَوَجَدَكَ عَائِلًا فَأَغْنَى
9 Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin). فَأَمَّا الْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ
10 Ka wax su'aalina ha canaanan. وَأَمَّا السَّائِلَ فَلَا تَنْهَرْ
11 Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi). وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ
;