Al-Lail

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَى
2 Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto). وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّى
3 Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. وَمَا خَلَقَ الذَّكَرَ وَالْأُنثَى
4 In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّى
5 Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. فَأَمَّا مَن أَعْطَى وَاتَّقَى
6 Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal). وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَى
7 Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican). فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَى
8 Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَى
9 Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal). وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَى
10 Waxaan u fududaynaa Jidka xun. فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَى
11 Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّى
12 Annagaa wax hanuuninna. إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَى
13 Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. وَإِنَّ لَنَا لَلْآخِرَةَ وَالْأُولَى
14 Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّى
15 Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. لَا يَصْلَاهَا إِلَّا الْأَشْقَى
16 Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. الَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّى
17 Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى
18 Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّى
19 Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَى
20 Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. إِلَّا ابْتِغَاء وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَى
21 Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi. وَلَسَوْفَ يَرْضَى
;