An-Nabaa

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). عَمَّ يَتَسَاءلُونَ
2 Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka). عَنِ النَّبَإِ الْعَظِيمِ
3 Ay isku diiddanaayeen. الَّذِي هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
4 Saas ma aha ee way ogaan donaan. كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
5 Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca). ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
6 Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ مِهَادًا
7 Buurahana Rukummo (ka yeelin). وَالْجِبَالَ أَوْتَادًا
8 Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. وَخَلَقْنَاكُمْ أَزْوَاجًا
9 Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
10 Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin. وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ لِبَاسًا
11 Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. وَجَعَلْنَا النَّهَارَ مَعَاشًا
12 Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
13 Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
14 Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan. وَأَنزَلْنَا مِنَ الْمُعْصِرَاتِ مَاء ثَجَّاجًا
15 Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq. لِنُخْرِجَ بِهِ حَبًّا وَنَبَاتًا
16 Iyo Beero kulansan (badan). وَجَنَّاتٍ أَلْفَافًا
17 Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ كَانَ مِيقَاتًا
18 Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo. يَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
19 Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. وَفُتِحَتِ السَّمَاء فَكَانَتْ أَبْوَابًا
20 Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. وَسُيِّرَتِ الْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
21 Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا
22 (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. لِلْطَّاغِينَ مَآبًا
23 Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. لَابِثِينَ فِيهَا أَحْقَابًا
24 Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا
25 Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا
26 Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. جَزَاء وِفَاقًا
27 Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. إِنَّهُمْ كَانُوا لَا يَرْجُونَ حِسَابًا
28 Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga. وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كِذَّابًا
29 Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab. وَكُلَّ شَيْءٍ أَحْصَيْنَاهُ كِتَابًا
30 Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. فَذُوقُوا فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
31 Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
32 Beero iyo Cinabyana way heli. حَدَائِقَ وَأَعْنَابًا
33 Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا
34 Waxayna heli Cabbid wanaagsan. وَكَأْسًا دِهَاقًا
35 Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّابًا
36 Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. جَزَاء مِّن رَّبِّكَ عَطَاء حِسَابًا
37 Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada). رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الرحْمَنِ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا
38 Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. يَوْمَ يَقُومُ الرُّوحُ وَالْمَلَائِكَةُ صَفًّا لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ الرحْمَنُ وَقَالَ صَوَابًا
39 Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto. ذَلِكَ الْيَوْمُ الْحَقُّ فَمَن شَاء اتَّخَذَ إِلَى رَبِّهِ مَآبًا
40 Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo. إِنَّا أَنذَرْنَاكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا
;