An-Nazi'at

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). وَالنَّازِعَاتِ غَرْقًا
2 Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). وَالنَّاشِطَاتِ نَشْطًا
3 Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). وَالسَّابِحَاتِ سَبْحًا
4 Iyo tan u orotanta wanaagga. فَالسَّابِقَاتِ سَبْقًا
5 Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). فَالْمُدَبِّرَاتِ أَمْرًا
6 Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). يَوْمَ تَرْجُفُ الرَّاجِفَةُ
7 Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). تَتْبَعُهَا الرَّادِفَةُ
8 Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
9 Araggeeduna wuu dullaysnaan. أَبْصَارُهَا خَاشِعَةٌ
10 Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). يَقُولُونَ أَئِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِي الْحَافِرَةِ
11 Markaan noqonno Lafo duugoobay. أَئِذَا كُنَّا عِظَامًا نَّخِرَةً
12 Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. قَالُوا تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
13 Waa uun Hal Qaylo kaliya. فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ
14 Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. فَإِذَا هُم بِالسَّاهِرَةِ
15 Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. هَلْ أتَاكَ حَدِيثُ مُوسَى
16 Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. إِذْ نَادَاهُ رَبُّهُ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى
17 Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. اذْهَبْ إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى
18 Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَى أَن تَزَكَّى
19 Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. وَأَهْدِيَكَ إِلَى رَبِّكَ فَتَخْشَى
20 Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. فَأَرَاهُ الْآيَةَ الْكُبْرَى
21 Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). فَكَذَّبَ وَعَصَى
22 Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَى
23 Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. فَحَشَرَ فَنَادَى
24 Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. فَقَالَ أَنَا رَبُّكُمُ الْأَعْلَى
25 Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكَالَ الْآخِرَةِ وَالْأُولَى
26 Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَى
27 Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. أَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاء بَنَاهَا
28 Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّاهَا
29 Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَاهَا
30 Dhulkana markaas ka dib fidiyay. وَالْأَرْضَ بَعْدَ ذَلِكَ دَحَاهَا
31 Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. أَخْرَجَ مِنْهَا مَاءهَا وَمَرْعَاهَا
32 Buurahana sugay. وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا
33 Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ
34 Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). فَإِذَا جَاءتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَى
35 Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. يَوْمَ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ مَا سَعَى
36 Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِمَن يَرَى
37 Ruuxiise xadgudba. فَأَمَّا مَن طَغَى
38 Nolosha Adduunyana doorta. وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا
39 Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَى
40 Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَى
41 Wuxuu u dheelman Janno. فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَى
42 Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا
43 Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَاهَا
44 Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. إِلَى رَبِّكَ مُنتَهَاهَا
45 Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. إِنَّمَا أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَاهَا
46 Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا
;