Al-Mursalat

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. وَالْمُرْسَلَاتِ عُرْفًا
2 iyo Dabaysha sida daran u dhabata. فَالْعَاصِفَاتِ عَصْفًا
3 Iyo Dabaysha roobka kicisa. وَالنَّاشِرَاتِ نَشْرًا
4 Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. فَالْفَارِقَاتِ فَرْقًا
5 iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. فَالْمُلْقِيَاتِ ذِكْرًا
6 Si Dadka loo waaniyo looguna digo. عُذْرًا أَوْ نُذْرًا
7 Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَاقِعٌ
8 Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. فَإِذَا النُّجُومُ طُمِسَتْ
9 Oo samadu Dildillaacdo. وَإِذَا السَّمَاء فُرِجَتْ
10 Oo Buuraha la Rujiyo. وَإِذَا الْجِبَالُ نُسِفَتْ
11 Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii). وَإِذَا الرُّسُلُ أُقِّتَتْ
12 Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed. لِأَيِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ
13 In dadka la kala Bixiyo Dartiis. لِيَوْمِ الْفَصْلِ
14 Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الْفَصْلِ
15 Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
16 Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. أَلَمْ نُهْلِكِ الْأَوَّلِينَ
17 Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ الْآخِرِينَ
18 Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. كَذَلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ
19 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
20 Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّاء مَّهِينٍ
21 Markaasna yeellay meel ilaashan. فَجَعَلْنَاهُ فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ
22 Tan iyo Muddo la yaqaanno. إِلَى قَدَرٍ مَّعْلُومٍ
23 Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ الْقَادِرُونَ
24 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
25 Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ كِفَاتًا
26 Nolol iyo Geeriba. أَحْيَاء وَأَمْوَاتًا
27 Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ شَامِخَاتٍ وَأَسْقَيْنَاكُم مَّاء فُرَاتًا
28 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
29 Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen. انطَلِقُوا إِلَى مَا كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ
30 Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah. انطَلِقُوا إِلَى ظِلٍّ ذِي ثَلَاثِ شُعَبٍ
31 Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. لَا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِي مِنَ اللَّهَبِ
32 Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. إِنَّهَا تَرْمِي بِشَرَرٍ كَالْقَصْرِ
33 Ama aad Mooddo geel madaw ah. كَأَنَّهُ جِمَالَتٌ صُفْرٌ
34 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
35 Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. هَذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ
36 Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ
37 Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
38 Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. هَذَا يَوْمُ الْفَصْلِ جَمَعْنَاكُمْ وَالْأَوَّلِينَ
39 Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ
40 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
41 Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي ظِلَالٍ وَعُيُونٍ
42 (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. وَفَوَاكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ
43 Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
44 Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. إِنَّا كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنينَ
45 Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
46 (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; كُلُوا وَتَمَتَّعُوا قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ
47 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
48 Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ارْكَعُوا لَا يَرْكَعُونَ
49 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
50 Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan. فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ
;