Qaf

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin). ق وَالْقُرْآنِ الْمَجِيدِ
2 Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh. بَلْ عَجِبُوا أَن جَاءهُمْ مُنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ الْكَافِرُونَ هَذَا شَيْءٌ عَجِيبٌ
3 Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog. أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ذَلِكَ رَجْعٌ بَعِيدٌ
4 Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan. قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ الْأَرْضُ مِنْهُمْ وَعِندَنَا كِتَابٌ حَفِيظٌ
5 Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. بَلْ كَذَّبُوا بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءهُمْ فَهُمْ فِي أَمْرٍ مَّرِيجٍ
6 Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn. أَفَلَمْ يَنظُرُوا إِلَى السَّمَاء فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَاهَا وَزَيَّنَّاهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ
7 Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan. وَالْأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ
8 Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. تَبْصِرَةً وَذِكْرَى لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
9 Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta, وَنَزَّلْنَا مِنَ السَّمَاء مَاء مُّبَارَكًا فَأَنبَتْنَا بِهِ جَنَّاتٍ وَحَبَّ الْحَصِيدِ
10 Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. وَالنَّخْلَ بَاسِقَاتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ
11 Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. رِزْقًا لِّلْعِبَادِ وَأَحْيَيْنَا بِهِ بَلْدَةً مَّيْتًا كَذَلِكَ الْخُرُوجُ
12 Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَابُ الرَّسِّ وَثَمُودُ
13 Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَانُ لُوطٍ
14 Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ كُلٌّ كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
15 Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). أَفَعَيِينَا بِالْخَلْقِ الْأَوَّلِ بَلْ هُمْ فِي لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ
16 Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ
17 Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida. إِذْ يَتَلَقَّى الْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ قَعِيدٌ
18 Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). مَا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ
19 Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. وَجَاءتْ سَكْرَةُ الْمَوْتِ بِالْحَقِّ ذَلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ
20 Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). وَنُفِخَ فِي الصُّورِ ذَلِكَ يَوْمُ الْوَعِيدِ
21 Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi. وَجَاءتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَائِقٌ وَشَهِيدٌ
22 Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay. لَقَدْ كُنتَ فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَاءكَ فَبَصَرُكَ الْيَوْمَ حَدِيدٌ
23 Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray). وَقَالَ قَرِينُهُ هَذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ
24 Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis. أَلْقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ
25 Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ
26 Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. الَّذِي جَعَلَ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِي الْعَذَابِ الشَّدِيدِ
27 Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa. قَالَ قَرِينُهُ رَبَّنَا مَا أَطْغَيْتُهُ وَلَكِن كَانَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ
28 Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا لَدَيَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِالْوَعِيدِ
29 Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. مَا يُبَدَّلُ الْقَوْلُ لَدَيَّ وَمَا أَنَا بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ
30 Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin. يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ امْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ
31 Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn. وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ
32 Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). هَذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ
33 Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan. مَنْ خَشِيَ الرَّحْمَن بِالْغَيْبِ وَجَاء بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ
34 Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ ذَلِكَ يَوْمُ الْخُلُودِ
35 Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado. لَهُم مَّا يَشَاؤُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ
36 Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto. وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا فِي الْبِلَادِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ
37 Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَذِكْرَى لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ
38 Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin. وَلَقَدْ خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ
39 Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor. فَاصْبِرْ عَلَى مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ
40 Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَارَ السُّجُودِ
41 Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw. وَاسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ الْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
42 Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda. يَوْمَ يَسْمَعُونَ الصَّيْحَةَ بِالْحَقِّ ذَلِكَ يَوْمُ الْخُرُوجِ
43 Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan. إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا الْمَصِيرُ
44 Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. يَوْمَ تَشَقَّقُ الْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ذَلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ
45 Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi. نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ
;