Az-Zariyat

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa). وَالذَّارِيَاتِ ذَرْوًا
2 Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka). فَالْحَامِلَاتِ وِقْرًا
3 iyo doonnida sida fudud u socota. فَالْجَارِيَاتِ يُسْرًا
4 Iyo Malaa'igta amarka qaybisa. فَالْمُقَسِّمَاتِ أَمْرًا
5 Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run. إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ
6 Abaalmarintuna waa sugantahay. وَإِنَّ الدِّينَ لَوَاقِعٌ
7 Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh. وَالسَّمَاء ذَاتِ الْحُبُكِ
8 Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan. إِنَّكُمْ لَفِي قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ
9 Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay. يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
10 Waxaana la nacladay Beenalayaasha. قُتِلَ الْخَرَّاصُونَ
11 Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. الَّذِينَ هُمْ فِي غَمْرَةٍ سَاهُونَ
12 waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada). يَسْأَلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ الدِّينِ
13 Waana maalinta naarta lagu gubi. يَوْمَ هُمْ عَلَى النَّارِ يُفْتَنُونَ
14 Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. ذُوقُوا فِتْنَتَكُمْ هَذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تَسْتَعْجِلُونَ
15 Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
16 Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala. آخِذِينَ مَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَلِكَ مُحْسِنِينَ
17 Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda. كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
18 Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen. وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
19 Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. وَفِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ
20 Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِّلْمُوقِنِينَ
21 Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho). وَفِي أَنفُسِكُمْ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
22 Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. وَفِي السَّمَاء رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
23 Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale. فَوَرَبِّ السَّمَاء وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَا أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ
24 Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَاهِيمَ الْمُكْرَمِينَ
25 Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin. إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
26 Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay). فَرَاغَ إِلَى أَهْلِهِ فَجَاء بِعِجْلٍ سَمِينٍ
27 Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. فَقَرَّبَهُ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
28 Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً قَالُوا لَا تَخَفْ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَامٍ عَلِيمٍ
29 Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali). فَأَقْبَلَتِ امْرَأَتُهُ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ
30 waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi قَالُوا كَذَلِكَ قَالَ رَبُّكِ إِنَّهُ هُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ
31 (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray. قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا الْمُرْسَلُونَ
32 Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. قَالُوا إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَى قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
33 Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ
34 Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. مُسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ
35 Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
36 kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ الْمُسْلِمِينَ
37 Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. وَتَرَكْنَا فِيهَا آيَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ الْعَذَابَ الْأَلِيمَ
38 (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. وَفِي مُوسَى إِذْ أَرْسَلْنَاهُ إِلَى فِرْعَوْنَ بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
39 Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. فَتَوَلَّى بِرُكْنِهِ وَقَالَ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
40 Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ
41 Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. وَفِي عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الرِّيحَ الْعَقِيمَ
42 Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. مَا تَذَرُ مِن شَيْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَالرَّمِيمِ
43 Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. وَفِي ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا حَتَّى حِينٍ
44 Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. فَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ الصَّاعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ
45 Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. فَمَا اسْتَطَاعُوا مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا مُنتَصِرِينَ
46 (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
47 Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. وَالسَّمَاء بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
48 Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). وَالْأَرْضَ فَرَشْنَاهَا فَنِعْمَ الْمَاهِدُونَ
49 Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
50 Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). فَفِرُّوا إِلَى اللَّهِ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
51 Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. وَلَا تَجْعَلُوا مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آخَرَ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
52 Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. كَذَلِكَ مَا أَتَى الَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
53 Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. أَتَوَاصَوْا بِهِ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
54 Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَا أَنتَ بِمَلُومٍ
55 Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. وَذَكِّرْ فَإِنَّ الذِّكْرَى تَنفَعُ الْمُؤْمِنِينَ
56 Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
57 Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ
58 Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ
59 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin. فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَابِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ
60 Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay. فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِن يَوْمِهِمُ الَّذِي يُوعَدُونَ
;