Al-Adiyat

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi. وَالْعَادِيَاتِ ضَبْحًا
2 iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha). فَالْمُورِيَاتِ قَدْحًا
3 Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii. فَالْمُغِيرَاتِ صُبْحًا
4 Ee Boodhka kiciya. فَأَثَرْنَ بِهِ نَقْعًا
5 Cadawgana dhexgala. فَوَسَطْنَ بِهِ جَمْعًا
6 Ee Dadku Eebohood waa diideen. إِنَّ الْإِنسَانَ لِرَبِّهِ لَكَنُودٌ
7 Arrintaasna Dadku wuu ogyahay. وَإِنَّهُ عَلَى ذَلِكَ لَشَهِيدٌ
8 Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay. وَإِنَّهُ لِحُبِّ الْخَيْرِ لَشَدِيدٌ
9 Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo. أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِي الْقُبُورِ
10 Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo. وَحُصِّلَ مَا فِي الصُّدُورِ
11 In Eebohood Maalintaas ogyahay. إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّخَبِيرٌ
;