Al-Baiyina

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Ma aha Kuwii Gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah). لَمْ يَكُنِ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّى تَأْتِيَهُمُ الْبَيِّنَةُ
2 Oo ah Rasuul Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah. رَسُولٌ مِّنَ اللَّهِ يَتْلُو صُحُفًا مُّطَهَّرَةً
3 Oo xukun fiicani ku yaal. فِيهَا كُتُبٌ قَيِّمَةٌ
4 Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis). وَمَا تَفَرَّقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِن بَعْدِ مَا جَاءتْهُمُ الْبَيِّنَةُ
5 Dadkana waxaan Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna, Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan. وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاء وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ وَذَلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ
6 Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli sharbadan khalqiga. إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ
7 Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga. إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أُوْلَئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ
8 Abaalkooda ay Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba. جَزَاؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ذَلِكَ لِمَنْ خَشِيَ رَبَّهُ
;