Al-Infitar

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Markay Samadu Dildillaacdo. إِذَا السَّمَاء انفَطَرَتْ
2 Xiddiguhuna daataan. وَإِذَا الْكَوَاكِبُ انتَثَرَتْ
3 Badahana laysku furo. وَإِذَا الْبِحَارُ فُجِّرَتْ
4 Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). وَإِذَا الْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
5 Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
6 Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ
7 Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ
8 Siduu doonana kuu sameeyey. فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاء رَكَّبَكَ
9 Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِالدِّينِ
10 Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَافِظِينَ
11 Oo sharaf leh waxna qori. كِرَامًا كَاتِبِينَ
12 Ogna waxaad falaysaan. يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
13 Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ
14 Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ
15 Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ الدِّينِ
16 Kamana maqnaadaan Naarta. وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَائِبِينَ
17 Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ
18 Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. ثُمَّ مَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ
19 Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe. يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْئًا وَالْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِلَّهِ
;