1 |
Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071001.mp3
|
إِنَّا أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَى قَوْمِهِ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ |
2 |
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda» |
/content/ayah/audio/hudhaify/071002.mp3
|
قَالَ يَا قَوْمِ إِنِّي لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ |
3 |
ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071003.mp3
|
أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَاتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ |
4 |
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071004.mp3
|
يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَى أَجَلٍ مُّسَمًّى إِنَّ أَجَلَ اللَّهِ إِذَا جَاء لَا يُؤَخَّرُ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ |
5 |
Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071005.mp3
|
قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوْتُ قَوْمِي لَيْلًا وَنَهَارًا |
6 |
Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071006.mp3
|
فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَائِي إِلَّا فِرَارًا |
7 |
Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071007.mp3
|
وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوا أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِمْ وَاسْتَغْشَوْا ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا وَاسْتَكْبَرُوا اسْتِكْبَارًا |
8 |
si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa» |
/content/ayah/audio/hudhaify/071008.mp3
|
ثُمَّ إِنِّي دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا |
9 |
Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071009.mp3
|
ثُمَّ إِنِّي أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا |
10 |
Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071010.mp3
|
فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا |
11 |
Cirkana Roob badan ha idinka keenee. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071011.mp3
|
يُرْسِلِ السَّمَاء عَلَيْكُم مِّدْرَارًا |
12 |
Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071012.mp3
|
وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا |
13 |
Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071013.mp3
|
مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا |
14 |
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071014.mp3
|
وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا |
15 |
Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071015.mp3
|
أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا |
16 |
Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071016.mp3
|
وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا |
17 |
Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071017.mp3
|
وَاللَّهُ أَنبَتَكُم مِّنَ الْأَرْضِ نَبَاتًا |
18 |
Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071018.mp3
|
ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا |
19 |
Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071019.mp3
|
وَاللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ بِسَاطًا |
20 |
Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071020.mp3
|
لِتَسْلُكُوا مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا |
21 |
(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071021.mp3
|
قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمْ عَصَوْنِي وَاتَّبَعُوا مَن لَّمْ يَزِدْهُ مَالُهُ وَوَلَدُهُ إِلَّا خَسَارًا |
22 |
Dhagar waynna way Dhakreen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071022.mp3
|
وَمَكَرُوا مَكْرًا كُبَّارًا |
23 |
Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071023.mp3
|
وَقَالُوا لَا تَذَرُنَّ آلِهَتَكُمْ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسْرًا |
24 |
Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071024.mp3
|
وَقَدْ أَضَلُّوا كَثِيراً وَلَا تَزِدِ الظَّالِمِينَ إِلَّا ضَلَالًا |
25 |
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare, |
/content/ayah/audio/hudhaify/071025.mp3
|
مِمَّا خَطِيئَاتِهِمْ أُغْرِقُوا فَأُدْخِلُوا نَارًا فَلَمْ يَجِدُوا لَهُم مِّن دُونِ اللَّهِ أَنصَارًا |
26 |
Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071026.mp3
|
وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى الْأَرْضِ مِنَ الْكَافِرِينَ دَيَّارًا |
27 |
Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071027.mp3
|
إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوا إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا |
28 |
Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/071028.mp3
|
رَبِّ اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيْتِيَ مُؤْمِنًا وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ وَلَا تَزِدِ الظَّالِمِينَ إِلَّا تَبَارًا |