At-Tagabun

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Waxaa Eebe nasaha (weyneeya) waxa Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulka ku sugan awood iyo mahadbana Eebaa iska leh, wax walbana isagaa kara. يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
2 Eebe waa kan idin anbuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna Mu'miniin, Eebana waxaad Camal falaysan waa arkaa. هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
3 Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulkaba wuxuu Eebe u abuuray si xaq ah, wuuna idin sawiray Eebe, dadoow suuraddiinana wuu wanaagjiyey, isagaana loo noqon (Ahkhiro). خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ
4 Wuxuu ogyahay waxa samaawaatka (Cirka) iyo Dhulka ku sugan, wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan, Eebana waa ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku jira. يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
5 Miyuuna idin soo gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey, waxay dhadhamiyeen xumaantii camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran. أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَبْلُ فَذَاقُوا وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
6 Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (Gaaladii) ma dadbaa na hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebe, Eebana waa midka hodanka ah lana mahadiyo. ذَلِكَ بِأَنَّهُ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَقَالُوا أَبَشَرٌ يَهْدُونَنَا فَكَفَرُوا وَتَوَلَّوا وَّاسْتَغْنَى اللَّهُ وَاللَّهُ غَنِيٌّ حَمِيدٌ
7 Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa saas ma aha, Eebaa wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen, taasina waa u fududahay Eebe. زَعَمَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَن لَّن يُبْعَثُوا قُلْ بَلَى وَرَبِّي لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ وَذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
8 Ee rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebe soo dejiyey (Quraanka) Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay. فَآمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَالنُّورِ الَّذِي أَنزَلْنَا وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
9 Maalinta qiyaamada ee Ilaahay idin soo kulmin waa maalin kado, ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Eebe xumaantiisa (dambigiisa) wuu asturi, wuxuuna galin Janooyin ay dhex dureeraan Wabiyaal way kuna waaraan waligood, taasina waa liibaan weyn. يَوْمَ يَجْمَعُكُمْ لِيَوْمِ الْجَمْعِ ذَلِكَ يَوْمُ التَّغَابُنِ وَمَن يُؤْمِن بِاللَّهِ وَيَعْمَلْ صَالِحًا يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّئَاتِهِ وَيُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ذَلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
10 kuwa gaaloobayse beeniyeyna Aayaadka Eebe waa kuwa Ahlu Naar ah waxayna ku waari dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun. وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُوْلَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ خَالِدِينَ فِيهَا وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
11 Wixii Musiiba ah (dhib ah) oo dhaca waa idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa ogyahay. مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ وَمَن يُؤْمِن بِاللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
12 Eebe adeeca Rasuulkiisana adeeca, haddaadse jeedsataan (xaqa diidaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaargiiyo. وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَى رَسُولِنَا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ
13 Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isaga uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ
14 Kuwa xaqa rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah. يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ مِنْ أَزْوَاجِكُمْ وَأَوْلَادِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَاحْذَرُوهُمْ وَإِن تَعْفُوا وَتَصْفَحُوا وَتَغْفِرُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
15 Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Eebe agtiisaase ajir weyn (ku sugan yahay). إِنَّمَا أَمْوَالُكُمْ وَأَوْلَادُكُمْ فِتْنَةٌ وَاللَّهُ عِندَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ
16 Eebe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay. فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
17 haddaad Eebe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Eebe waa idiin laab laabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebana waa kan la mahadiyo ee ee dusha san. إِن تُقْرِضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَاعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ وَاللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ
18 waxa maqan iyo waxa joogaba Eebe wa ogyahay waana adkaade Falsan. عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
;