Al-Qamar

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay. اقْتَرَبَتِ السَّاعَةُ وَانشَقَّ الْقَمَرُ
2 Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. وَإِن يَرَوْا آيَةً يُعْرِضُوا وَيَقُولُوا سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ
3 Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. وَكَذَّبُوا وَاتَّبَعُوا أَهْوَاءهُمْ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ
4 Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. وَلَقَدْ جَاءهُم مِّنَ الْأَنبَاء مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
5 Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. حِكْمَةٌ بَالِغَةٌ فَمَا تُغْنِ النُّذُرُ
6 Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. فَتَوَلَّ عَنْهُمْ يَوْمَ يَدْعُ الدَّاعِ إِلَى شَيْءٍ نُّكُرٍ
7 Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. خُشَّعًا أَبْصَارُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ
8 Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. مُّهْطِعِينَ إِلَى الدَّاعِ يَقُولُ الْكَافِرُونَ هَذَا يَوْمٌ عَسِرٌ
9 Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا عَبْدَنَا وَقَالُوا مَجْنُونٌ وَازْدُجِرَ
10 Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. فَدَعَا رَبَّهُ أَنِّي مَغْلُوبٌ فَانتَصِرْ
11 Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. فَفَتَحْنَا أَبْوَابَ السَّمَاء بِمَاء مُّنْهَمِرٍ
12 Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. وَفَجَّرْنَا الْأَرْضَ عُيُونًا فَالْتَقَى الْمَاء عَلَى أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ
13 Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. وَحَمَلْنَاهُ عَلَى ذَاتِ أَلْوَاحٍ وَدُسُرٍ
14 Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. تَجْرِي بِأَعْيُنِنَا جَزَاء لِّمَن كَانَ كُفِرَ
15 Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan). وَلَقَد تَّرَكْنَاهَا آيَةً فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
16 Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu. فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
17 Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
18 Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
19 Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِي يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ
20 Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. تَنزِعُ النَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ
21 Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
22 Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
23 Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِالنُّذُرِ
24 Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato. فَقَالُوا أَبَشَرًا مِّنَّا وَاحِدًا نَّتَّبِعُهُ إِنَّا إِذًا لَّفِي ضَلَالٍ وَسُعُرٍ
25 Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. أَأُلْقِيَ الذِّكْرُ عَلَيْهِ مِن بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ
26 Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. سَيَعْلَمُونَ غَدًا مَّنِ الْكَذَّابُ الْأَشِرُ
27 Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir. إِنَّا مُرْسِلُو النَّاقَةِ فِتْنَةً لَّهُمْ فَارْتَقِبْهُمْ وَاصْطَبِرْ
28 Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay. وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ الْمَاء قِسْمَةٌ بَيْنَهُمْ كُلُّ شِرْبٍ مُّحْتَضَرٌ
29 Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay. فَنَادَوْا صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَى فَعَقَرَ
30 Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
31 Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَاحِدَةً فَكَانُوا كَهَشِيمِ الْمُحْتَظِرِ
32 Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
33 Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii. كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ بِالنُّذُرِ
34 Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّا آلَ لُوطٍ نَّجَّيْنَاهُم بِسَحَرٍ
35 Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). نِعْمَةً مِّنْ عِندِنَا كَذَلِكَ نَجْزِي مَن شَكَرَ
36 Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas. وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا بِالنُّذُرِ
37 Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. وَلَقَدْ رَاوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِ فَطَمَسْنَا أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا عَذَابِي وَنُذُرِ
38 Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. وَلَقَدْ صَبَّحَهُم بُكْرَةً عَذَابٌ مُّسْتَقِرٌّ
39 Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. فَذُوقُوا عَذَابِي وَنُذُرِ
40 Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
41 Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid. وَلَقَدْ جَاء آلَ فِرْعَوْنَ النُّذُرُ
42 Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَاهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُّقْتَدِرٍ
43 Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِّنْ أُوْلَئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَاءةٌ فِي الزُّبُرِ
44 Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay. أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌ مُّنتَصِرٌ
45 Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin. سَيُهْزَمُ الْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ الدُّبُرَ
46 Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. بَلِ السَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَالسَّاعَةُ أَدْهَى وَأَمَرُّ
47 Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. إِنَّ الْمُجْرِمِينَ فِي ضَلَالٍ وَسُعُرٍ
48 (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِي النَّارِ عَلَى وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا مَسَّ سَقَرَ
49 Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ
50 Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. وَمَا أَمْرُنَا إِلَّا وَاحِدَةٌ كَلَمْحٍ بِالْبَصَرِ
51 Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
52 Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. وَكُلُّ شَيْءٍ فَعَلُوهُ فِي الزُّبُرِ
53 Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُسْتَطَرٌ
54 Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَهَرٍ
55 Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay). فِي مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍ
;