1 |
waa soo hormaray macnaheedu. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045001.mp3
|
حم |
2 |
soo dajinta Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka ahaaday Eebaha adkaada iyo falkan san. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045002.mp3
|
تَنزِيلُ الْكِتَابِ مِنَ اللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ |
3 |
Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisana aayadbaa ugu sugan Mu'miniinta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045003.mp3
|
إِنَّ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ لَآيَاتٍ لِّلْمُؤْمِنِينَ |
4 |
abuurkiinna iyo waxa Eebe ku fidin «abuuri» Dhulka oo wax socda ah aayaadbaa ugu sugan ciddii wax yaqiinsan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045004.mp3
|
وَفِي خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَابَّةٍ آيَاتٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ |
5 |
iskhilaafka Habeenka iyo Maalinta iyo waxa Eebe ka soodajiyey Samada oo Rizqi ah oo ku nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagadoonka Dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad ciddii wax kasi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045005.mp3
|
وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ وَمَا أَنزَلَ اللَّهُ مِنَ السَّمَاء مِن رِّزْقٍ فَأَحْيَا بِهِ الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ الرِّيَاحِ آيَاتٌ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ |
6 |
taasi waa aayaadka Eebe aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebe ka dib iyo aayaadkiisa rumayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045006.mp3
|
تِلْكَ آيَاتُ اللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِالْحَقِّ فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَ اللَّهِ وَآيَاتِهِ يُؤْمِنُونَ |
7 |
halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045007.mp3
|
وَيْلٌ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ |
8 |
oo maqli aayaadka Eebe oo la akhrin haddana daa'ima gaalnimo, isagoo iskibrin sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045008.mp3
|
يَسْمَعُ آيَاتِ اللَّهِ تُتْلَى عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ |
9 |
markuu ogaado aayaadkanaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jees-jees, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045009.mp3
|
وَإِذَا عَلِمَ مِنْ آيَاتِنَا شَيْئًا اتَّخَذَهَا هُزُوًا أُوْلَئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ |
10 |
waxaa koobi «kana dambeysa» Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka yeesheen Eebe ka sokow owliyo, waxayna mudan Cadaab wayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045010.mp3
|
مِن وَرَائِهِمْ جَهَنَّمُ وَلَا يُغْنِي عَنْهُم مَّا كَسَبُوا شَيْئًا وَلَا مَا اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ |
11 |
Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebehoodna waxaa u sugnaaday Cadaab xumaan daran. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045011.mp3
|
هَذَا هُدًى وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌ مَّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ |
12 |
Eebe waa kan idiinfududeeyey Badda say ugu socoto Doonnidu «iyo Markabku» dhexdiisa amarka Eebe, iyo inaad gaadhaan Fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045012.mp3
|
اللَّهُ الَّذِي سخَّرَ لَكُمُ الْبَحْرَ لِتَجْرِيَ الْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِ وَلِتَبْتَغُوا مِن فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ |
13 |
wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka Dhammaan xagiisay ka ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045013.mp3
|
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لَّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ |
14 |
waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebe si uu uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045014.mp3
|
قُل لِّلَّذِينَ آمَنُوا يَغْفِرُوا لِلَّذِينَ لا يَرْجُون أَيَّامَ اللَّهِ لِيَجْزِيَ قَوْمًا بِما كَانُوا يَكْسِبُونَ |
15 |
ruuxii camal fiicanfala Naftiisuu u falay, ruuxii Xumaan sameeyana waxay uun dhibhi Naftiisa markaas xagga Eebe uunbaa laydiin celin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045015.mp3
|
مَنْ عَمِلَ صَالِحًا فَلِنَفْسِهِ وَمَنْ أَسَاء فَعَلَيْهَا ثُمَّ إِلَى رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ |
16 |
dhab ahaanbaan u siinay ree Binii Israa'iil Kitaabka iyo Xukun iyo Nabinimo, waxaana ku arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadillay Caalamkii (markaas). |
/content/ayah/audio/hudhaify/045016.mp3
|
وَلَقَدْ آتَيْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ الْكِتَابَ وَالْحُكْمَ وَالنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى الْعَالَمِينَ |
17 |
waxaana siinay xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee, waxayna u diideen Xasad iyo Dulmi, dhexdooda ah, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda Malinta Qiyaame waxay isku khilaafsanyihiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045017.mp3
|
وَآتَيْنَاهُم بَيِّنَاتٍ مِّنَ الْأَمْرِ فَمَا اخْتَلَفُوا إِلَّا مِن بَعْدِ مَا جَاءهُمْ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِي بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ |
18 |
waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, Ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045018.mp3
|
ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَى شَرِيعَةٍ مِّنَ الْأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاء الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ |
19 |
iyagu kaagama taraan Eebe xagiisa waxba, Daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebana waa u wali kuwa dhawrsada. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045019.mp3
|
إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا عَنكَ مِنَ اللَّهِ شَيئًا وإِنَّ الظَّالِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَاللَّهُ وَلِيُّ الْمُتَّقِينَ |
20 |
kaasi waa (Quraanku) waa aragti (Nuurka) Dadka iyo hanuun iyo Naxariis ciddii waxyaqiinsan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045020.mp3
|
هَذَا بَصَائِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمِ يُوقِنُونَ |
21 |
mise waxay umaleeyeen kuwii kashaday xumaanta inaan kayeeleyno kuwa xaqa rumeeyey ee camal fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba, waxaa xun waxay xukumi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045021.mp3
|
أًمْ حَسِبَ الَّذِينَ اجْتَرَحُوا السَّيِّئَاتِ أّن نَّجْعَلَهُمْ كَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَوَاء مَّحْيَاهُم وَمَمَاتُهُمْ سَاء مَا يَحْكُمُونَ |
22 |
Eebaa u abuuray samooyinka iyo Dhulka, xaq iyo in laga abaalmariyo Naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045022.mp3
|
وَخَلَقَ اللَّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ وَلِتُجْزَى كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ |
23 |
ka waran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebe dhumiyey isagoo cilmi leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna aragiisa dabool, yaa hanuunin Eebe kadib, miyaydaan wax xusuusanayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045023.mp3
|
أَفَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ وَأَضَلَّهُ اللَّهُ عَلَى عِلْمٍ وَخَتَمَ عَلَى سَمْعِهِ وَقَلْبِهِ وَجَعَلَ عَلَى بَصَرِهِ غِشَاوَةً فَمَن يَهْدِيهِ مِن بَعْدِ اللَّهِ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ |
24 |
waxay dheheen Gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun nolashanada dhaw, waana dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo, wax ogaansho ahna uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045024.mp3
|
وَقَالُوا مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَا إِلَّا الدَّهْرُ وَمَا لَهُم بِذَلِكَ مِنْ عِلْمٍ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ |
25 |
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad wax xuja ah ma helaan oon ahayn noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045025.mp3
|
وَإِذَا تُتْلَى عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمْ إِلَّا أَن قَالُوا ائْتُوا بِآبَائِنَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ |
26 |
waxaad dhahdaa Eebaa idin nooleeya idina dili, idinna kulmin Maalinta Qiyaame shakina ma leh, laakiin Dadka badankiis ma oga. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045026.mp3
|
قُلِ اللَّهُ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يَجْمَعُكُمْ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ لَا رَيبَ فِيهِ وَلَكِنَّ أَكَثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ |
27 |
Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame maalintaasay Khasaari xumaanlowgu. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045027.mp3
|
وَلَلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرضِ وَيَومَ تَقُومُ السَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَخْسَرُ الْمُبْطِلُونَ |
28 |
waxaadna arki umad kastoo Lawyahay ku fadhida Qiyaamada, Umad kastana waxaa loogu yeedhi Kitaabkii «camalkeeda» Maalintaas waxaa laydiinka abaalmarin waxaad camalfaleyseen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045028.mp3
|
وَتَرَى كُلَّ أُمَّةٍ جَاثِيَةً كُلُّ أُمَّةٍ تُدْعَى إِلَى كِتَابِهَا الْيَوْمَ تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ |
29 |
kani waa Kitaabkanagii wuxuuna ku hadli xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal falaysaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045029.mp3
|
هَذَا كِتَابُنَا يَنطِقُ عَلَيْكُم بِالْحَقِّ إِنَّا كُنَّا نَسْتَنسِخُ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ |
30 |
kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045030.mp3
|
فَأَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَيُدْخِلُهُمْ رَبُّهُمْ فِي رَحْمَتِهِ ذَلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْمُبِينُ |
31 |
kuwa Gaaloobayse waxaa lagu dhihi miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiina lagu akhriyo ood iskibriseen noqoteen qoom dambi falayaal ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045031.mp3
|
وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا أَفَلَمْ تَكُنْ آيَاتِي تُتْلَى عَلَيْكُمْ فَاسْتَكْبَرْتُمْ وَكُنتُمْ قَوْمًا مُّجْرِمِينَ |
32 |
marka la dhaho yabooha Eebe waa xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki ma leh, waxaad dhahdaan ma naqaan Saacadda (qiyaame) waannu uun malayn mase yaqiinsanin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045032.mp3
|
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَالسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُم مَّا نَدْرِي مَا السَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنًّا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ |
33 |
waxaa u muuqan Gaalada xumaantay camalfaleen (Ciqaabteedi) waxaana koobi waxay ku jees jeesi jireen (ciqaabtiisii). |
/content/ayah/audio/hudhaify/045033.mp3
|
وَبَدَا لَهُمْ سَيِّئَاتُ مَا عَمِلُوا وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُون |
34 |
waxaana loo dhihi Maanta (Qiyaamada) waanu idinka tagi (idinko cadaaban) sidaad u halmaanteen la kulanka Maalintiinan, Hooygiinuna waa Naar wax idiin gargaarana ma jiro. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045034.mp3
|
وَقِيلَ الْيَوْمَ نَنسَاكُمْ كَمَا نَسِيتُمْ لِقَاء يَوْمِكُمْ هَذَا وَمَأْوَاكُمْ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّاصِرِينَ |
35 |
Arrintaasna waxaa ugu waxan inaad ka yeelateen aayaadka Eebe Jees jees, idinna dhagartay nolosha dhaw (ee adduun) Maanta Qiyaamada lagama bixiyo Naarta, cudurdaarna lama warsado. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045035.mp3
|
ذَلِكُم بِأَنَّكُمُ اتَّخَذْتُمْ آيَاتِ اللَّهِ هُزُوًا وَغَرَّتْكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا فَالْيَوْمَ لَا يُخْرَجُونَ مِنْهَا وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ |
36 |
mahad Eebaa iskaleh Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, Eebaha caalamkana ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045036.mp3
|
فَلِلَّهِ الْحَمْدُ رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَرَبِّ الْأَرْضِ رَبِّ الْعَالَمِينَ |
37 |
waxaana u sugnaatay waynida Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisa, waana adkaade falsan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/045037.mp3
|
وَلَهُ الْكِبْرِيَاء فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ |