As-Saffat

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 (Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. وَالصَّافَّاتِ صَفًّا
2 Iyo tan kaxaysa daruuraha. فَالزَّاجِرَاتِ زَجْرًا
3 Iyo tan akhrida Quraanka. فَالتَّالِيَاتِ ذِكْرًا
4 Ee ilaahiin waa mid (qudha). إِنَّ إِلَهَكُمْ لَوَاحِدٌ
5 Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ الْمَشَارِقِ
6 Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاء الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ
7 Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَانٍ مَّارِدٍ
8 Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. لَا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَى وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ
9 Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday. دُحُورًا وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ
10 Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. إِلَّا مَنْ خَطِفَ الْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ ثَاقِبٌ
11 Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta. فَاسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَا إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍ
12 Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi. بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ
13 Marka la waaniyana ma waantooban. وَإِذَا ذُكِّرُوا لَا يَذْكُرُونَ
14 Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan. وَإِذَا رَأَوْا آيَةً يَسْتَسْخِرُونَ
15 Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. وَقَالُوا إِنْ هَذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
16 Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَئِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
17 Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin). أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ
18 Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَاخِرُونَ
19 Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ
20 Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. وَقَالُوا يَا وَيْلَنَا هَذَا يَوْمُ الدِّينِ
21 Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen. هَذَا يَوْمُ الْفَصْلِ الَّذِي كُنتُمْ بِهِ تُكَذِّبُونَ
22 Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. احْشُرُوا الَّذِينَ ظَلَمُوا وَأَزْوَاجَهُمْ وَمَا كَانُوا يَعْبُدُونَ
23 Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. مِن دُونِ اللَّهِ فَاهْدُوهُمْ إِلَى صِرَاطِ الْجَحِيمِ
24 Joojiyana waxbaa la waydiine. وَقِفُوهُمْ إِنَّهُم مَّسْئُولُونَ
25 (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin. مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ
26 Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen. بَلْ هُمُ الْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ
27 Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَى بَعْضٍ يَتَسَاءلُونَ
28 Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). قَالُوا إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ الْيَمِينِ
29 Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. قَالُوا بَل لَّمْ تَكُونُوا مُؤْمِنِينَ
30 Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَاغِينَ
31 Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَا إِنَّا لَذَائِقُونَ
32 Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn. فَأَغْوَيْنَاكُمْ إِنَّا كُنَّا غَاوِينَ
33 Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi. فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ
34 Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha. إِنَّا كَذَلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ
35 Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. إِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ
36 Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوا آلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍ
37 Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). بَلْ جَاء بِالْحَقِّ وَصَدَّقَ الْمُرْسَلِينَ
38 Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). إِنَّكُمْ لَذَائِقُو الْعَذَابِ الْأَلِيمِ
39 Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
40 Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ
41 Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). أُوْلَئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ
42 Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. فَوَاكِهُ وَهُم مُّكْرَمُونَ
43 Jannooyinka Naciima. فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ
44 Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. عَلَى سُرُرٍ مُّتَقَابِلِينَ
45 Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِن مَّعِينٍ
46 Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi. بَيْضَاء لَذَّةٍ لِّلشَّارِبِينَ
47 Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ
48 Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn. وَعِنْدَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ عِينٌ
49 Ood moodo ukun la dhowray. كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ
50 Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin. فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَى بَعْضٍ يَتَسَاءلُونَ
51 Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih. قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ
52 Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). يَقُولُ أَئِنَّكَ لَمِنْ الْمُصَدِّقِينَ
53 Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَئِنَّا لَمَدِينُونَ
54 Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ
55 Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاء الْجَحِيمِ
56 Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). قَالَ تَاللَّهِ إِنْ كِدتَّ لَتُرْدِينِ
57 Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ
58 (Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ
59 Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَى وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
60 Taasina waa uun liibaanta wayn. إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
61 Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. لِمِثْلِ هَذَا فَلْيَعْمَلْ الْعَامِلُونَ
62 Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd). أَذَلِكَ خَيْرٌ نُّزُلًا أَمْ شَجَرَةُ الزَّقُّومِ
63 Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. إِنَّا جَعَلْنَاهَا فِتْنَةً لِّلظَّالِمِينَ
64 Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo. إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِي أَصْلِ الْجَحِيمِ
65 Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan. طَلْعُهَا كَأَنَّهُ رُؤُوسُ الشَّيَاطِينِ
66 Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha. فَإِنَّهُمْ لَآكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِؤُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ
67 Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran. ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِّنْ حَمِيمٍ
68 Markaas waxay ku noqon jaxiimo. ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى الْجَحِيمِ
69 Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah. إِنَّهُمْ أَلْفَوْا آبَاءهُمْ ضَالِّينَ
70 Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi. فَهُمْ عَلَى آثَارِهِمْ يُهْرَعُونَ
71 Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ الْأَوَّلِينَ
72 Waxaana udiraydhexdooda udigayaal. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ
73 Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay. فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُنذَرِينَ
74 Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ
75 Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. وَلَقَدْ نَادَانَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ الْمُجِيبُونَ
76 Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). وَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ
77 Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُ هُمْ الْبَاقِينَ
78 Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ
79 NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. سَلَامٌ عَلَى نُوحٍ فِي الْعَالَمِينَ
80 Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka. إِنَّا كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
81 Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ
82 Markaasaan maanshaynay kuwii kale, ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ
83 Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِ لَإِبْرَاهِيمَ
84 Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). إِذْ جَاء رَبَّهُ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
85 Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَاذَا تَعْبُدُونَ
86 Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. أَئِفْكًا آلِهَةً دُونَ اللَّهِ تُرِيدُونَ
87 Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ
88 Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. فَنَظَرَ نَظْرَةً فِي النُّجُومِ
89 Wuxuuna yidhi waan bukaa. فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ
90 Markaasay katageen kana jeedsadeen. فَتَوَلَّوْا عَنْهُ مُدْبِرِينَ
91 Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. فَرَاغَ إِلَى آلِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
92 Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin. مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ
93 Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًا بِالْيَمِينِ
94 Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay). فَأَقْبَلُوا إِلَيْهِ يَزِفُّونَ
95 Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ
96 Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ
97 Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka). قَالُوا ابْنُوا لَهُ بُنْيَانًا فَأَلْقُوهُ فِي الْجَحِيمِ
98 Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday). فَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَسْفَلِينَ
99 Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَى رَبِّي سَيَهْدِينِ
100 Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). رَبِّ هَبْ لِي مِنَ الصَّالِحِينَ
101 Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco. فَبَشَّرْنَاهُ بِغُلَامٍ حَلِيمٍ
102 Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَى فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانظُرْ مَاذَا تَرَى قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ سَتَجِدُنِي إِن شَاء اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ
103 Markay hogaansameen oos u lagday wajiga. فَلَمَّا أَسْلَمَا وَتَلَّهُ لِلْجَبِينِ
104 Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. وَنَادَيْنَاهُ أَنْ يَا إِبْرَاهِيمُ
105 Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. قَدْ صَدَّقْتَ الرُّؤْيَا إِنَّا كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
106 Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn). إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْبَلَاء الْمُبِينُ
107 Waxaana ku furanay loog weyn (wan). وَفَدَيْنَاهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ
108 Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame. وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ
109 Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. سَلَامٌ عَلَى إِبْرَاهِيمَ
110 Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
111 Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ
112 Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. وَبَشَّرْنَاهُ بِإِسْحَاقَ نَبِيًّا مِّنَ الصَّالِحِينَ
113 Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya. وَبَارَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَى إِسْحَاقَ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ مُبِينٌ
114 Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَى مُوسَى وَهَارُونَ
115 Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. وَنَجَّيْنَاهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ
116 Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). وَنَصَرْنَاهُمْ فَكَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ
117 waxaana siinay Kitaabkii caddaa. وَآتَيْنَاهُمَا الْكِتَابَ الْمُسْتَبِينَ
118 Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan. وَهَدَيْنَاهُمَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ
119 Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِي الْآخِرِينَ
120 Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. سَلَامٌ عَلَى مُوسَى وَهَارُونَ
121 Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, إِنَّا كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
122 Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ
123 Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنْ الْمُرْسَلِينَ
124 Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَلَا تَتَّقُونَ
125 Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ الْخَالِقِينَ
126 Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. وَاللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ
127 Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ
128 Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ
129 Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ
130 Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. سَلَامٌ عَلَى إِلْ يَاسِينَ
131 Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. إِنَّا كَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
132 Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ
133 Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ الْمُرْسَلِينَ
134 Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. إِذْ نَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ
135 marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga. إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ
136 Ka dibna waxaan halaagnay intii kale. ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ
137 Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga. وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِم مُّصْبِحِينَ
138 Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin. وَبِاللَّيْلِ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
139 Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ
140 Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday. إِذْ أَبَقَ إِلَى الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ
141 Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنْ الْمُدْحَضِينَ
142 Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. فَالْتَقَمَهُ الْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ
143 Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنْ الْمُسَبِّحِينَ
144 Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka. لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَى يَوْمِ يُبْعَثُونَ
145 Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. فَنَبَذْنَاهُ بِالْعَرَاء وَهُوَ سَقِيمٌ
146 Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). وَأَنبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِّن يَقْطِينٍ
147 Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. وَأَرْسَلْنَاهُ إِلَى مِئَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ
148 Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. فَآمَنُوا فَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَى حِينٍ
149 Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. فَاسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ الْبَنَاتُ وَلَهُمُ الْبَنُونَ
150 Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. أَمْ خَلَقْنَا الْمَلَائِكَةَ إِنَاثًا وَهُمْ شَاهِدُونَ
151 Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. أَلَا إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ
152 Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. وَلَدَ اللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
153 Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. أَصْطَفَى الْبَنَاتِ عَلَى الْبَنِينَ
154 Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ
155 Miyeeydaan wax xusuusaneyn. أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
156 Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. أَمْ لَكُمْ سُلْطَانٌ مُّبِينٌ
157 Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin. فَأْتُوا بِكِتَابِكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
158 Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada). وَجَعَلُوا بَيْنَهُ وَبَيْنَ الْجِنَّةِ نَسَبًا وَلَقَدْ عَلِمَتِ الْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ
159 Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
160 Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan). إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ
161 Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy). فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ
162 Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe. مَا أَنتُمْ عَلَيْهِ بِفَاتِنِينَ
163 Marka laga reebo kuwagali jaxiimo. إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ الْجَحِيمِ
164 Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. وَمَا مِنَّا إِلَّا لَهُ مَقَامٌ مَّعْلُومٌ
165 Waana safannahay (cibaado darteed). وَإِنَّا لَنَحْنُ الصَّافُّونَ
166 Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe). وَإِنَّا لَنَحْنُ الْمُسَبِّحُونَ
167 Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. وَإِنْ كَانُوا لَيَقُولُونَ
168 Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). لَوْ أَنَّ عِندَنَا ذِكْرًا مِّنْ الْأَوَّلِينَ
169 Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. لَكُنَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ
170 Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). فَكَفَرُوا بِهِ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
171 Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا الْمُرْسَلِينَ
172 In iyaga uun loo gargaari. إِنَّهُمْ لَهُمُ الْمَنصُورُونَ
173 Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ الْغَالِبُونَ
174 Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّى حِينٍ
175 Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ
176 Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ
177 Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَاء صَبَاحُ الْمُنذَرِينَ
178 Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّى حِينٍ
179 Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ
180 Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun). سُبْحَانَ رَبِّكَ رَبِّ الْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
181 Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. وَسَلَامٌ عَلَى الْمُرْسَلِينَ
182 Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah. وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
;