1 |
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sidii soo hormartay). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030001.mp3
|
الم |
2 |
waxaa lagaga adkaaday Ruum. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030002.mp3
|
غُلِبَتِ الرُّومُ |
3 |
Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030003.mp3
|
فِي أَدْنَى الْأَرْضِ وَهُم مِّن بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ |
4 |
dhawr sano dhexdeed, amarkana Eebaa iska leh horey iyo diba, Maalintaasayna ku farxi Mu'miniintu. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030004.mp3
|
فِي بِضْعِ سِنِينَ لِلَّهِ الْأَمْرُ مِن قَبْلُ وَمِن بَعْدُ وَيَوْمَئِذٍ يَفْرَحُ الْمُؤْمِنُونَ |
5 |
Gargaarka Eebe, wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030005.mp3
|
بِنَصْرِ اللَّهِ يَنصُرُ مَن يَشَاء وَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ |
6 |
waa yabooha Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohiisa, laakin Dadka badankiisu ma oga. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030006.mp3
|
وَعْدَ اللَّهِ لَا يُخْلِفُ اللَّهُ وَعْدَهُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ |
7 |
waxay yaqaanaan Dadku muuqaalka nolosha addunyo Aakhirose way halmaansanyihiin (ka jaahil yihiin). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030007.mp3
|
يَعْلَمُونَ ظَاهِرًا مِّنَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَهُمْ عَنِ الْآخِرَةِ هُمْ غَافِلُونَ |
8 |
miyeyna ka fikirin naftooda Inuusan Eebe Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax badan oo dadka ka mid ahna waxay ka Gaaloobi la kulanka Eebahood. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030008.mp3
|
أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا فِي أَنفُسِهِمْ مَا خَلَقَ اللَّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى وَإِنَّ كَثِيراً مِّنَ النَّاسِ بِلِقَاء رَبِّهِمْ لَكَافِرُونَ |
9 |
meyeyna ku soconin Dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, Dhulkana waybeerteen wayna Dhiseen Dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid Rasuulladoodii Xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyey. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030009.mp3
|
أَوَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ كَانُوا أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَأَثَارُوا الْأَرْضَ وَعَمَرُوهَا أَكْثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَاءتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا كَانَ اللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَكِن كَانُوا أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ |
10 |
markaasay noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (Jahannamo) beenintay aayadaha Eebe beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030010.mp3
|
ثُمَّ كَانَ عَاقِبَةَ الَّذِينَ أَسَاؤُوا السُّوأَى أَن كَذَّبُوا بِآيَاتِ اللَّهِ وَكَانُوا بِهَا يَسْتَهْزِئُون |
11 |
Eebaa billaahay (Abuurka) Khalqiga isagaana soo celin, xaggiisaana laydiin celin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030011.mp3
|
اللَّهُ يَبْدَأُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ |
12 |
Maalintay kici Saacaddu (Qiyaamadu) way aamusi dambiilayaashu (ooy quusan). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030012.mp3
|
وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ يُبْلِسُ الْمُجْرِمُونَ |
13 |
ugumana sugnaanin kuway Eebe lawadajiyeen (Cibaadada) Shafeeco waxayna noqon kuwo diida Shurakadoodii. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030013.mp3
|
وَلَمْ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَائِهِمْ شُفَعَاء وَكَانُوا بِشُرَكَائِهِمْ كَافِرِينَ |
14 |
Maalintay kici Saacadu waa maalin ay kala tagi Dadku. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030014.mp3
|
وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَتَفَرَّقُونَ |
15 |
kuwa rumeeyey (xaqa) oo camalfiicanfalay Beer Janno yaa lagu faraxgaliyaa. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030015.mp3
|
فَأَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَهُمْ فِي رَوْضَةٍ يُحْبَرُونَ |
16 |
kuwa Gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga iyo lakulanka aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin Cadaabka., |
/content/ayah/audio/hudhaify/030016.mp3
|
وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَلِقَاء الْآخِرَةِ فَأُوْلَئِكَ فِي الْعَذَابِ مُحْضَرُونَ |
17 |
Eebaa nasahan (Ceeb ka fog) markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030017.mp3
|
فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ |
18 |
mahadna isagaa ku leh Samooyinka iyo Dhulka dhexdooda iyo Habeenkii iyo Duhurkiiba. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030018.mp3
|
وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ |
19 |
kana soobixiya wax nool wax dhintay wax dhintayna wax nool, nooleeyana Dhulka intuu dhintay ka dhib, saasaana laydiin soo bixin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030019.mp3
|
يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَيُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَكَذَلِكَ تُخْرَجُونَ |
20 |
waxaana ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray Carro markaasaad noqoteen Dad dhaqdhaqaaqi (Faafi). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030020.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ إِذَا أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ |
21 |
waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030021.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ |
22 |
Waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta Afkiina (Luuqada) iyo midabkiinaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa Cilmiga leh. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030022.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّلْعَالِمِينَ |
23 |
waxaa ka mid ah Aayadka tusin (Qudrada) Eebe Hurdadiina Habeenkii iyo Maalintii iyo doonidiina Fadliga Eebe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030023.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ مَنَامُكُم بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ وَابْتِغَاؤُكُم مِّن فَضْلِهِ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ |
24 |
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudra) Eebe Hillaaca uu idin tusiyo, Cabsi iyo Doonid darteed, iyo Samada uu idiinka soo dajiyo Biyo, kuna nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib, taasina Calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030024.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ يُرِيكُمُ الْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنَزِّلُ مِنَ السَّمَاء مَاء فَيُحْيِي بِهِ الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ |
25 |
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudrada) Eebe inay Samada iyo Dhulku ku taaganyihiin amarka Eebe, markuu Dhulka idiinka yeedhana (soobixinta) aad durba soo baxdaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030025.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ أَن تَقُومَ السَّمَاء وَالْأَرْضُ بِأَمْرِهِ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمْ دَعْوَةً مِّنَ الْأَرْضِ إِذَا أَنتُمْ تَخْرُجُونَ |
26 |
Eebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulkaba ku sugan, isagayna u khushuucaan (u hogaansamaan). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030026.mp3
|
وَلَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ كُلٌّ لَّهُ قَانِتُونَ |
27 |
Eebe waa kan billaabay abuurka Khalqiga, hadana soo celin wayna u fududahay arrintaasu, Eebaana sifo sare ku muta Samooyinka iyo Dhulka, waana adkaade falsan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030027.mp3
|
وَهُوَ الَّذِي يَبْدَأُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ وَهُوَ أَهْوَنُ عَلَيْهِ وَلَهُ الْمَثَلُ الْأَعْلَى فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ |
28 |
Eebe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiina ah, waxaad hanataan miyey idinlawadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku mid ah u maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u caddayn aayaadka ciddii wax kasi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030028.mp3
|
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلًا مِنْ أَنفُسِكُمْ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُم مِّن شُرَكَاء فِي مَا رَزَقْنَاكُمْ فَأَنتُمْ فِيهِ سَوَاء تَخَافُونَهُمْ كَخِيفَتِكُمْ أَنفُسَكُمْ كَذَلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ |
29 |
haseyeeshee waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa Hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin kara ruux Eebe dhumid u qadaray, wax u gargaarana lahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030029.mp3
|
بَلِ اتَّبَعَ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَهْوَاءهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ فَمَن يَهْدِي مَنْ أَضَلَّ اللَّهُ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ |
30 |
ee Wajigaaga u jeedi Diinta adoo toosan (Diintu) waa abuuridda Eebe ee Dadka uu ku abuuray, wax badali kara abuurka Eebana ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka babidiis ma oga. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030030.mp3
|
فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا فِطْرَةَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ |
31 |
idinkoo Eebe u noqon, kana yaaba, Salaadana ooga, Galadana ha ka mid noqonina. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030031.mp3
|
مُنِيبِينَ إِلَيْهِ وَاتَّقُوهُ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ |
32 |
ee Diintooda ku kala tagay noqdayna kooxo, Xisbi walba uu ku farxi waxa agtiisa ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030032.mp3
|
مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ |
33 |
hadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030033.mp3
|
وَإِذَا مَسَّ النَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا أَذَاقَهُم مِّنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ |
34 |
si ay uga gaaloobaan waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta raaxadaasi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030034.mp3
|
لِيَكْفُرُوا بِمَا آتَيْنَاهُمْ فَتَمَتَّعُوا فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ |
35 |
mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe la wadaajin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030035.mp3
|
أَمْ أَنزَلْنَا عَلَيْهِمْ سُلْطَانًا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُوا بِهِ يُشْرِكُونَ |
36 |
haddaan dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay hor marsadeen darteed way quustaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030036.mp3
|
وَإِذَا أَذَقْنَا النَّاسَ رَحْمَةً فَرِحُوا بِهَا وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذَا هُمْ يَقْنَطُونَ |
37 |
miyeyna arkayn in Eebe u waasiciyo rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan kuwa rumeyn (Xaqa). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030037.mp3
|
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاء وَيَقْدِرُ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ |
38 |
ee Qaraabada sii xaqeeda iyo Miskiinka iyo Musaafurka, saasaa u khayroon kuwa dooni Wajiga Eebe, (u dhawaanshahiisa) kuwaasina waa kuwa liibaanay. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030038.mp3
|
فَآتِ ذَا الْقُرْبَى حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ ذَلِكَ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجْهَ اللَّهِ وَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ |
39 |
waxaad bixisaan oo Ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebe agtiisa, wixiise aad bixisaan oo Zako (xalaal ah) idinkoo ku dooni Wajiga Eebe kuwaas waa loo laablaabi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030039.mp3
|
وَمَا آتَيْتُم مِّن رِّبًا لِّيَرْبُوَ فِي أَمْوَالِ النَّاسِ فَلَا يَرْبُو عِندَ اللَّهِ وَمَا آتَيْتُم مِّن زَكَاةٍ تُرِيدُونَ وَجْهَ اللَّهِ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُضْعِفُونَ |
40 |
Eebe waa kan idin abuuray Iladana idin arzaaqay hadana idin Dili, hadana idin soo noolayn, majiraa shurakadiina mid fali sidaas wax ka mid ah, Eebaa ka nasahana kana sareeya waxay la wadaajin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030040.mp3
|
اللَّهُ الَّذِي خَلَقَكُمْ ثُمَّ رَزَقَكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ هَلْ مِن شُرَكَائِكُم مَّن يَفْعَلُ مِن ذَلِكُم مِّن شَيْءٍ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى عَمَّا يُشْرِكُونَ |
41 |
xumaanbaa ka daahirtay Barri iyo Badba, waxay kasbatay Gaemo Dad dardiis, si Eebe u dhadhansiiyo waxay camalfaleen qaarkiis, inay noqdaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030041.mp3
|
ظَهَرَ الْفَسَادُ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ بِمَا كَسَبَتْ أَيْدِي النَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعْضَ الَّذِي عَمِلُوا لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ |
42 |
waxaad dhahdaa ku socda Dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore, wuxuu ahaa badankoodu Mushrikiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030042.mp3
|
قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلُ كَانَ أَكْثَرُهُم مُّشْرِكِينَ |
43 |
ee Wajigaaga Diinta toosani (Islaamka) u jeedi, maalin aan la eelin karin ka hor, Eebe xaggiisana ka iman, Maalintaas Dadku way kala tagi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030043.mp3
|
فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ الْقَيِّمِ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ يَوْمٌ لَّا مَرَدَّ لَهُ مِنَ اللَّهِ يَوْمَئِذٍ يَصَّدَّعُونَ |
44 |
ruuxii Gaalooba isagay (dhibi) Gaalimadiisu, ruuxii camal wanaagsan fala Naftiisa yuu u goglay. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030044.mp3
|
مَن كَفَرَ فَعَلَيْهِ كُفْرُهُ وَمَنْ عَمِلَ صَالِحًا فَلِأَنفُسِهِمْ يَمْهَدُونَ |
45 |
si Eebe u abaalmariyo kuwa rumeeyey xaqa oo camal wanaagsan falay fadligiisa, Eebana ma jeela Gaalo. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030045.mp3
|
لِيَجْزِيَ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ مِن فَضْلِهِ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْكَافِرِينَ |
46 |
Calaamaadka Eebe ku tusin waxaa ka mid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku bishaarayn (Roob) iyo in Eebe idin dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo inaad dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebe ku mahdisaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030046.mp3
|
وَمِنْ آيَاتِهِ أَن يُرْسِلَ الرِّيَاحَ مُبَشِّرَاتٍ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحْمَتِهِ وَلِتَجْرِيَ الْفُلْكُ بِأَمْرِهِ وَلِتَبْتَغُوا مِن فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ |
47 |
waxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuulo qoomkoodii, waxayna ulayimaadeen xujooyin waana ka aarsanay kuwii dambi Falay, waxaana korkanaga ah u gargaarka Mu'miniinta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030047.mp3
|
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاؤُوهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَانتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ |
48 |
Eebe waa kan diray Dabaylaha oo markaas kicisa Daruuro kuna fidiya Samada siduu doono kana yeela Goosimo aad aragtid Roobka oo ka soobixi dhexdeeda, markaasuu Eebe Roobka siiyaa Ciduu doono oo adoomadiisa ka mid ahna markaasay bishaaraystaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030048.mp3
|
اللَّهُ الَّذِي يُرْسِلُ الرِّيَاحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَيَبْسُطُهُ فِي السَّمَاء كَيْفَ يَشَاء وَيَجْعَلُهُ كِسَفًا فَتَرَى الْوَدْقَ يَخْرُجُ مِنْ خِلَالِهِ فَإِذَا أَصَابَ بِهِ مَن يَشَاء مِنْ عِبَادِهِ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ |
49 |
waxayna ahaayeen soo dajinta Roobka ka hor kuwo Quusan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030049.mp3
|
وَإِن كَانُوا مِن قَبْلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيْهِم مِّن قَبْلِهِ لَمُبْلِسِينَ |
50 |
ee day naxariista Eebe raadkeeda sida Eebe, ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay ka dib Eebaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030050.mp3
|
فَانظُرْ إِلَى آثَارِ رَحْمَتِ اللَّهِ كَيْفَ يُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا إِنَّ ذَلِكَ لَمُحْيِي الْمَوْتَى وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ |
51 |
haddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib noqdaan kuwo Gaalooba. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030051.mp3
|
وَلَئِنْ أَرْسَلْنَا رِيحًا فَرَأَوْهُ مُصْفَرًّا لَّظَلُّوا مِن بَعْدِهِ يَكْفُرُونَ |
52 |
adigu wax ma maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin kartid. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030052.mp3
|
فَإِنَّكَ لَا تُسْمِعُ الْمَوْتَى وَلَا تُسْمِعُ الصُّمَّ الدُّعَاء إِذَا وَلَّوْا مُدْبِرِينَ |
53 |
ruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030053.mp3
|
وَمَا أَنتَ بِهَادِي الْعُمْيِ عَن ضَلَالَتِهِمْ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ |
54 |
Eebe waa kan idin ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana xoog dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax walba oge, wax walba karc (oo uu doono). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030054.mp3
|
اللَّهُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن ضَعْفٍ ثُمَّ جَعَلَ مِن بَعْدِ ضَعْفٍ قُوَّةً ثُمَّ جَعَلَ مِن بَعْدِ قُوَّةٍ ضَعْفًا وَشَيْبَةً يَخْلُقُ مَا يَشَاء وَهُوَ الْعَلِيمُ الْقَدِيرُ |
55 |
maalinta Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad mooyee, saasaana (xaqa) looga leexiyey. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030055.mp3
|
وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ يُقْسِمُ الْمُجْرِمُونَ مَا لَبِثُوا غَيْرَ سَاعَةٍ كَذَلِكَ كَانُوا يُؤْفَكُونَ |
56 |
kuwii waxay dheheen cilmiga iyo Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta, kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030056.mp3
|
وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَالْإِيمَانَ لَقَدْ لَبِثْتُمْ فِي كِتَابِ اللَّهِ إِلَى يَوْمِ الْبَعْثِ فَهَذَا يَوْمُ الْبَعْثِ وَلَكِنَّكُمْ كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ |
57 |
Maanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030057.mp3
|
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يَنفَعُ الَّذِينَ ظَلَمُوا مَعْذِرَتُهُمْ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ |
58 |
dhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan baadhil (xumaan) ahayn kuma sugnidin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/030058.mp3
|
وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِي هَذَا الْقُرْآنِ مِن كُلِّ مَثَلٍ وَلَئِن جِئْتَهُم بِآيَةٍ لَيَقُولَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُبْطِلُونَ |
59 |
saasaa Eebe u daboolaa Quluubta kuwaan wax ogayn (wax anfaca). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030059.mp3
|
كَذَلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَى قُلُوبِ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ |
60 |
ee samir yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa). |
/content/ayah/audio/hudhaify/030060.mp3
|
فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَلَا يَسْتَخِفَّنَّكَ الَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ |