Ash-Shu'araa

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. طسم
2 Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ
3 Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. لَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ
4 Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّن السَّمَاء آيَةً فَظَلَّتْ أَعْنَاقُهُمْ لَهَا خَاضِعِينَ
5 Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ الرَّحْمَنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا عَنْهُ مُعْرِضِينَ
6 Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. فَقَدْ كَذَّبُوا فَسَيَأْتِيهِمْ أَنبَاء مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُون
7 Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الْأَرْضِ كَمْ أَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
8 Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
9 Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
10 (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. وَإِذْ نَادَى رَبُّكَ مُوسَى أَنِ ائْتِ الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ
11 Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. قَوْمَ فِرْعَوْنَ أَلَا يَتَّقُونَ
12 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. قَالَ رَبِّ إِنِّي أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
13 Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. وَيَضِيقُ صَدْرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرْسِلْ إِلَى هَارُونَ
14 Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. وَلَهُمْ عَلَيَّ ذَنبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ
15 Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. قَالَ كَلَّا فَاذْهَبَا بِآيَاتِنَا إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ
16 ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَا إِنَّا رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ
17 Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ
18 Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ
19 Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ الَّتِي فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ الْكَافِرِينَ
20 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. قَالَ فَعَلْتُهَا إِذًا وَأَنَا مِنَ الضَّالِّينَ
21 Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكْمًا وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُرْسَلِينَ
22 Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِي إِسْرَائِيلَ
23 Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ
24 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). قَالَ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا إن كُنتُم مُّوقِنِينَ
25 Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُ أَلَا تَسْتَمِعُونَ
26 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ
27 Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ الَّذِي أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ
28 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. قَالَ رَبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَا إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ
29 Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. قَالَ لَئِنِ اتَّخَذْتَ إِلَهًا غَيْرِي لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ الْمَسْجُونِينَ
30 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَيْءٍ مُّبِينٍ
31 Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. قَالَ فَأْتِ بِهِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
32 Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. فَأَلْقَى عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ
33 Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاء لِلنَّاظِرِينَ
34 Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُ إِنَّ هَذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ
35 Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ
36 Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. قَالُوا أَرْجِهِ وَأَخَاهُ وَابْعَثْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ
37 Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ
38 Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. فَجُمِعَ السَّحَرَةُ لِمِيقَاتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
39 Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ
40 Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ السَّحَرَةَ إِن كَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ
41 Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. فَلَمَّا جَاء السَّحَرَةُ قَالُوا لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ
42 Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ الْمُقَرَّبِينَ
43 Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. قَالَ لَهُم مُّوسَى أَلْقُوا مَا أَنتُم مُّلْقُونَ
44 Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. فَأَلْقَوْا حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ الْغَالِبُونَ
45 Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. فَأَلْقَى مُوسَى عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ
46 waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. فَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ
47 Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ الْعَالَمِينَ
48 Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. رَبِّ مُوسَى وَهَارُونَ
49 Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. قَالَ آمَنتُمْ لَهُ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ
50 Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. قَالُوا لَا ضَيْرَ إِنَّا إِلَى رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
51 waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَايَانَا أَن كُنَّا أَوَّلَ الْمُؤْمِنِينَ
52 Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. وَأَوْحَيْنَا إِلَى مُوسَى أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِي إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
53 Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ
54 Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. إِنَّ هَؤُلَاء لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ
55 Wayna Na cadho Galiyeen. وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ
56 Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَاذِرُونَ
57 Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. فَأَخْرَجْنَاهُم مِّن جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
58 Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ
59 Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. كَذَلِكَ وَأَوْرَثْنَاهَا بَنِي إِسْرَائِيلَ
60 Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ
61 Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. فَلَمَّا تَرَاءى الْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَابُ مُوسَى إِنَّا لَمُدْرَكُونَ
62 Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. قَالَ كَلَّا إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ
63 Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. فَأَوْحَيْنَا إِلَى مُوسَى أَنِ اضْرِب بِّعَصَاكَ الْبَحْرَ فَانفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَالطَّوْدِ الْعَظِيمِ
64 Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ الْآخَرِينَ
65 Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. وَأَنجَيْنَا مُوسَى وَمَن مَّعَهُ أَجْمَعِينَ
66 Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ
67 Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
68 Eebahaana waa Adkaade Naxariista, وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
69 Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَاهِيمَ
70 Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا تَعْبُدُونَ
71 Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. قَالُوا نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَاكِفِينَ
72 Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ
73 Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ
74 Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. قَالُوا بَلْ وَجَدْنَا آبَاءنَا كَذَلِكَ يَفْعَلُونَ
75 Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. قَالَ أَفَرَأَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
76 Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. أَنتُمْ وَآبَاؤُكُمُ الْأَقْدَمُونَ
77 Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّي إِلَّا رَبَّ الْعَالَمِينَ
78 Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. الَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهْدِينِ
79 Kan I Quudin ee I Waraabin. وَالَّذِي هُوَ يُطْعِمُنِي وَيَسْقِينِ
80 Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ
81 Waana kan I dili Ina Noolayn. وَالَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحْيِينِ
82 Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. وَالَّذِي أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ
83 Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ
84 Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. وَاجْعَل لِّي لِسَانَ صِدْقٍ فِي الْآخِرِينَ
85 Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. وَاجْعَلْنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ النَّعِيمِ
86 Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. وَاغْفِرْ لِأَبِي إِنَّهُ كَانَ مِنَ الضَّالِّينَ
87 Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). وَلَا تُخْزِنِي يَوْمَ يُبْعَثُونَ
88 Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ
89 Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
90 Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ
91 Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ
92 Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
93 Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. مِن دُونِ اللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ
94 Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. فَكُبْكِبُوا فِيهَا هُمْ وَالْغَاوُونَ
95 Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ
96 Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. قَالُوا وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ
97 Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. تَاللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
98 Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ
99 Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. وَمَا أَضَلَّنَا إِلَّا الْمُجْرِمُونَ
100 Mana Lihin wax Noo Shafeeca. فَمَا لَنَا مِن شَافِعِينَ
101 Iyo Saaxiib Dhaw. وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ
102 Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
103 Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
104 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
105 Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ الْمُرْسَلِينَ
106 Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
107 Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
108 Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
109 Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ
110 Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
111 Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). قَالُوا أَنُؤْمِنُ لَكَ وَاتَّبَعَكَ الْأَرْذَلُونَ
112 Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. قَالَ وَمَا عِلْمِي بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
113 Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَى رَبِّي لَوْ تَشْعُرُونَ
114 Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. وَمَا أَنَا بِطَارِدِ الْمُؤْمِنِينَ
115 Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
116 Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ
117 Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِي كَذَّبُونِ
118 Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. فَافْتَحْ بَيْنِي وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِي مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
119 Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. فَأَنجَيْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ
120 Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ الْبَاقِينَ
121 Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
122 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
123 Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. كَذَّبَتْ عَادٌ الْمُرْسَلِينَ
124 Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
125 Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
126 Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
127 Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ
128 Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ آيَةً تَعْبَثُونَ
129 Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ
130 Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ
131 ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
132 Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. وَاتَّقُوا الَّذِي أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ
133 Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. أَمَدَّكُم بِأَنْعَامٍ وَبَنِينَ
134 Iyo Beero iyo Ilo. وَجَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
135 Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
136 Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. قَالُوا سَوَاء عَلَيْنَا أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ الْوَاعِظِينَ
137 Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. إِنْ هَذَا إِلَّا خُلُقُ الْأَوَّلِينَ
138 Nalamana Cadaabayo. وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
139 Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَاهُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
140 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
141 Waxay Beenisay Thamuud suulladii. كَذَّبَتْ ثَمُودُ الْمُرْسَلِينَ
142 Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَالِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
143 Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
144 ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
145 Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ
146 Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. أَتُتْرَكُونَ فِي مَا هَاهُنَا آمِنِينَ
147 Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
148 Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ
149 Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. وَتَنْحِتُونَ مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا فَارِهِينَ
150 Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
151 Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. وَلَا تُطِيعُوا أَمْرَ الْمُسْرِفِينَ
152 ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. الَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ
153 Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. قَالُوا إِنَّمَا أَنتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ
154 Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. مَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِآيَةٍ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
155 Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. قَالَ هَذِهِ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
156 Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ
157 Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا نَادِمِينَ
158 Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). فَأَخَذَهُمُ الْعَذَابُ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
159 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
160 Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ الْمُرْسَلِينَ
161 Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
162 Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
163 ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
164 Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ
165 Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. أَتَأْتُونَ الذُّكْرَانَ مِنَ الْعَالَمِينَ
166 Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُمْ مِنْ أَزْوَاجِكُم بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ
167 Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا لُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمُخْرَجِينَ
168 Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ
169 Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. رَبِّ نَجِّنِي وَأَهْلِي مِمَّا يَعْمَلُونَ
170 Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ
171 Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ
172 Markaasaan Halaagnay Intii kale. ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ
173 Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا فَسَاء مَطَرُ الْمُنذَرِينَ
174 Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
175 Eebhaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
176 Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. كَذَّبَ أَصْحَابُ الْأَيْكَةِ الْمُرْسَلِينَ
177 Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
178 Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
179 ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ
180 Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ
181 Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. أَوْفُوا الْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُخْسِرِينَ
182 Una Miisama Cadaalad Toosan. وَزِنُوا بِالْقِسْطَاسِ الْمُسْتَقِيمِ
183 Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
184 Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. وَاتَّقُوا الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالْجِبِلَّةَ الْأَوَّلِينَ
185 Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. قَالُوا إِنَّمَا أَنتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ
186 Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. وَمَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ الْكَاذِبِينَ
187 ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ السَّمَاء إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
188 Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. قَالَ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ
189 Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ الظُّلَّةِ إِنَّهُ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
190 Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
191 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
192 Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. وَإِنَّهُ لَتَنزِيلُ رَبِّ الْعَالَمِينَ
193 Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ
194 Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. عَلَى قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنذِرِينَ
195 Af Carabi ahoo Cad. بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ
196 Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. وَإِنَّهُ لَفِي زُبُرِ الْأَوَّلِينَ
197 Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ آيَةً أَن يَعْلَمَهُ عُلَمَاء بَنِي إِسْرَائِيلَ
198 Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. وَلَوْ نَزَّلْنَاهُ عَلَى بَعْضِ الْأَعْجَمِينَ
199 oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. فَقَرَأَهُ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا بِهِ مُؤْمِنِينَ
200 Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. كَذَلِكَ سَلَكْنَاهُ فِي قُلُوبِ الْمُجْرِمِينَ
201 Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ حَتَّى يَرَوُا الْعَذَابَ الْأَلِيمَ
202 Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
203 Oy Dhahaan ma nala Sugi. فَيَقُولُوا هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ
204 Ma Cadaabkanagay Dadajisan. أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ
205 Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. أَفَرَأَيْتَ إِن مَّتَّعْنَاهُمْ سِنِينَ
206 Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. ثُمَّ جَاءهُم مَّا كَانُوا يُوعَدُونَ
207 Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. مَا أَغْنَى عَنْهُم مَّا كَانُوا يُمَتَّعُونَ
208 Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
209 Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. ذِكْرَى وَمَا كُنَّا ظَالِمِينَ
210 Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ الشَّيَاطِينُ
211 Kumana Habboona mana Karaan. وَمَا يَنبَغِي لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ
212 Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. إِنَّهُمْ عَنِ السَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ
213 Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. فَلَا تَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آخَرَ فَتَكُونَ مِنَ الْمُعَذَّبِينَ
214 Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ الْأَقْرَبِينَ
215 Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
216 Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ
217 Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. وَتَوَكَّلْ عَلَى الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ
218 Ee ku Arka Markaad Kici. الَّذِي يَرَاكَ حِينَ تَقُومُ
219 Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. وَتَقَلُّبَكَ فِي السَّاجِدِينَ
220 Eebana waa Maqle Og. إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
221 Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَى مَن تَنَزَّلُ الشَّيَاطِينُ
222 Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. تَنَزَّلُ عَلَى كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ
223 Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. يُلْقُونَ السَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَاذِبُونَ
224 Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. وَالشُّعَرَاء يَتَّبِعُهُمُ الْغَاوُونَ
225 Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ
226 Oyna Sheegi waxayna Falayn. وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ
227 Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada). إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَذَكَرُوا اللَّهَ كَثِيراً وَانتَصَرُوا مِن بَعْدِ مَا ظُلِمُوا وَسَيَعْلَمُ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَيَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ
;