At-Takathur

Change Language
Change Surah
Change Recitation

Somali: Mahmud Muhammad Abduh

Play All
# Translation Ayah
1 Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ
2 Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan). حَتَّى زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ
3 Saas ma aha ee waad ogaandoontaan. كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
4 Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
5 Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ الْيَقِينِ
6 Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima, لَتَرَوُنَّ الْجَحِيمَ
7 Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah. ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ الْيَقِينِ
8 Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii. ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ
;